Youth in Peacebuilding in Galmudug: Challenges, Opportunities and Moving Forward

This study delves into the perspectives of young people on reconciliation and peacebuilding in Galmudug. In a nation where over 80% of the population is under 35, the perspectives of youth are indispensable, particularly on matters of peace, security, and reconciliation. Given Somalia’s prolonged instability, it is crucial to capture the views of youth who have been both the primary victims and, in some cases, used as perpetrators of conflict—particularly in Galmudug, which has a long history of oscillating between volatility and stability. However, societal norms, particularly those rooted in clan structures, often marginalize youth, viewing them as either too immature to contribute meaningfully to reconciliation or as mere victims rather than active stakeholders.

The study focused on Dhuusamareeb, a historically multi-clan city that has experienced decades of conflict fueled by clan rivalries, ideological differences, and resource-based disputes. Through three gender-balanced focus group discussions (FGDs), participants identified clan-based conflicts, economic deprivation, and political marginalization as primary drivers of violence in Galmudug. Despite these challenges, there was a strong desire among the youth to contribute to peacebuilding, particularly through skills training and inclusive dialogue platforms.

Youth in Peacebuilding in Galmudug: Challenges, Opportunities and Moving Forward

Daraasaddani waxay diiradda saareysaa aragtida dhallinyarada ee dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta Galmudug. Dalka ay 80% dadkiisu ka yar yihiin 35 sano, aragtida dhallinyaradu waa lama huraan, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, amniga, iyo dib-u-heshiisiinta. Marka la eego xasillooni la’aanta daba dheeraatay ee Soomaaliya, waxaa muhiim ah in la qiimeeyo aragtiyaha dhallinyarada, kuwaas oo marna ah dhibbanayaasha ugu horreeya ee colaadaha, mararka qaarna loo adeegsado in ay qayb ka noqdaan khilaafaadka, gaar ahaan Galmudug oo leh taariikh dheer oo u dhexeeya xasillooni iyo xiisado colaadeed oo soo noqnoqda.

Daraasaddani waxay xoogga saareysaa Dhuusamareeb, magaalo taariikhi ah oo ay wada deggan yihiin beelo kala duwan, kuwaas oo la soo daristay colaado tobanaan sano soo taxnaa, kuna salaysan cadaawad qabiil, kala duwanaansho fikir, iyo muranno la xiriira khayraadka. Intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2019, Dhuusamareeb waxa ay ku jirtay gacanta maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca (ASWJ), urur diimeed suufi ah. Sidoo kale, gobolka waxa ku sugan dagaalyahannada Al-Shabaab, kuwaas oo weli saameyn leh.

Iyadoo la qabtay saddex dood kooxeed (FGDs) oo dhallinyaro isku dheellitiran—wiilal iyo gabdho—isugu yimid, ka-qaybgalayaashu waxay tilmaameen in colaadaha qabiilka, saboolnimada, iyo qoqobka siyaasadeed ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee hurinaya dagaallada Galmudug. Inkasta oo caqabadahaasi jiraan, dhallinyaradu waxay si weyn u daneynayaan ka-qaybgalka dadaallada nabadaynta, gaar ahaan iyada oo loo marayo tababaro xirfadeed iyo fagaare dooddeedyo loo dhan yahay.

Doorka Dhallinyaradu ku leeyihiin Nabadaynta Galmudug- Caqabadaha, Fursadaha iyo Tallaabooyinka Mustaqbalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *