Beyond Divides Pathways for Somalia’s National Dialogue
Somalia’s state-building project remains deeply contested more than three decades after the collapse of the central government. Persistent political and constitutional “red lines” continue to divide Somali political actors. Highly contested issues include fostering national unity amid demands for increased independence, the nature of federalism, clan-based power-sharing, the system of government, the status of Mogadishu, and the management of political transitions. As the country approaches another sensitive political transition in 2026, these unresolved disagreements, combined with widespread mistrust in political institutions, risk further fragmentation and instability.
This paper examines if and how a nationally owned and inclusive national dialogue could serve as a possible mechanism for addressing Somalia’s political and constitutional disputes. It draws on a desk review of national dialogue, alongside qualitative data from focus group discussions conducted across Somalia. Participants included civil society actors, women, youth, and members of marginalized communities, whose perspectives are often not given enough consideration.
Beyond Divides Pathways for Somalia’s National Dialogue
Mashruuca dhismaha dowladnimada Soomaaliya waxa uu weli ku jiraa muran qotodheer, tan iyo kadib burburkii dawladdii dhexe, waa in ka badan soddon sano. Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo ah arrimo xasaasi ah iyo xariiqyo lama dhaafaan ah, kuwaas oo si joogto ah u kala qaybiyay jilayaasha siyaasadda Soomaaliyeed. Arrimaha ugu muranka badan waxaa ka mid ah; midnimada qaranka iyo doodaha ku saabsan gooni-isu-taagga, qaabka federaalka, nidaamka awood-qaybsiga beelaha, nooca nidaamka dowladeed, xaaladda Muqdisho, iyo hab-maamulka kala guurka siyaasadeed. Sannadkan 2026, iyada oo uu dalka waajahayo marxalado siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana uu jiro is-maandhaaf baahsan oo aan weli laga arrinsan, kaas oo lagu ladhay kalsooni-darro ballaadhan oo laga qabo hay’adaha siyaasadeed, arrimahani waxay uga sii dari karaan xaaladda, waxaana dalku halis u noqon karaa kala-daadasho iyo xasillooni-darro.
Warqaddan cilmiyeed waxay baadhaysaa suurtogalnimada iyo sida wadahadal qaran oo Soomaaliyeed, loo dhan yahay isla markaana ay Soomaalidu hoggaaminayso, uu u noqon karo hannaan wax ku ool ah oo lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee soo jiitamay. Daraasaddu waxay ku salaysan tahay falanqaynta xogaha ku saabsan fikradda wadahadal qaran, oo lagu lammaaniyey xogo lagu helay waraysiyo furan (qualitative data) oo lagu soo ururiyey hannaanka dood-wadaag kooxeedyada (FGDs), kuwaas oo lagu qabtay meelo kala duwan oo dalka ah. Ka qaybgalayaashu waxay isugu jireen bulshada rayidka ah, haween, dhallinyaro, iyo bulshooyinka la hayb-sooco, kuwaas oo inta badan aan la siin tixgelin iyo ka qaybgal macno leh.
Ka Gudubka Kala-Qaybsanaanta- Soomaaliya iyo Waddooyinka Loo Mari Karo Wadahadal Qaran