How the Somali PM Could Seize the Fleeting Momentum

On 1 May 2021, the Lower House of Somalia’s Federal Parliament rescinded its 12 April resolution to extend its own mandate and that of President Mohamed Abdullahi Farmaajo by two years. This move brought the country back from the brink of civil war following a few
days of armed conflict in Mogadishu between factions within the security forces loyal to the Federal Government of Somalia (FGS) and the opposition. According to the United Nations, tens of thousands of civilians fled their homes due to the gun battles in Mogadishu, and political tensions in the capital city took a dramatic turn for the worse after the parliament’s controversial decision on mandate extension. The armed conflict in the capital and sustained international pressure ultimately forced Farmaajo and the House of the People to reverse their political course and announce that the FGS would return to electoral negotiations based on the 17 September 2020 agreement between Farmaajo and leaders of the federal member states (FMSs).

DOWNLOAD THE FULL REPORT – ENGLISH

1-dii Maajo 2021, ayaa Golaha Shacabka ee baarlamaanka dawladda federaalka Soomaaliya, uu ka laabtay muddo kordhintii uu sameeyey 12 Abriil 2021, taas oo ay ku korodhsadeen muddo-xileedkooda iyo kan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mudo laba sannadood ah. Tallaabadan ayaa xasillooni ku soo dabbaashay xaaladda dalka oo qarka u saarnayd in uu ka qarxo dagaal sokeeye, ka dib dhawr maalmood oo ay Muqdisho ku dhex hirdamayeen ciidammo ka wada tirsan ciidamadii aminga dalka oo la kala safan xukuumadda Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha mucaaradka. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, tobannaan kun oo shacab ah ayaa guryahoodii Muqdisho uga qaxay dagaalkii hubaysanaa ee ka dhacay Muqdisho, waxaana cirka isku shareeray xiisadaha siyaasadda ee caasimadda Muqdisho, taas oo dib ugu laabatay xaaladdii ugu xumayd, ka dib markii ay golaha shacabku qaateen go’aanka la isku diidan yahay ee muddo kordhinta ah. Iska hor-imaadyadii hubaysanaa ee ka dhacay caasimadda iyo
cadaadiskii joogtada ahaa ee ay beesha caalamku dul saartay, ayaa Farmaajo iyo golaha shacabkaba ku qasbay in ay ka laabtaan go’aankii ay qaateen, kuna dhawaaqaan in ay DFS u laabatay heshiiskii wadaxaajoodka doorashooyinka ee 17 Sebtember.

HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTA OO DHAMEYSTIRANSOMALI