Perceptions of Security and Justice in Mogadishu

Residents of Mogadishu feel a lot safer and more optimistic compared to last year. That’s according to an OCVP survey of 1,664 people across Mogadishu’s 17 districts conducted between February and March this year.

The absence of clan warfare and running battles between armed groups and the Somali Government was seen as a major contributor to the improvement of security.

Still, residents were deeply concerned about regular suicide attacks, assassinations and robbery by armed groups. Moreover, the survey revealed that Mogadishu residents question the credibility of the security agencies, pointing to poor coordination, command and control. The justice system was also seen as deeply corrupt and inept to settle disputes. This has forced many residents to seek the mediation capacity of elders.

Using OCVP’s data, we prepared this Policy Brief (Download the full policy briefing) with recommendations.


Dadka ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dareemaya in xaaladdooda amni ay kasoo rayneyso, sidaa waxaa muujinaya xog uruurin ay hey’adda OCVP ka sameysay 17-ka degmo ee Xamar bilihii Feberaayo iyo Maarso, kuna wareysatay 1,664 qof.

Dadka ayaa soo roonaanshaha amniga sabab uga dhigay iyadoo ay dhammaadeen dagaalladii beelaha, iyo kuwii waaweynaa ee u dhaxeeyay kooxaha hubeysan iyo Dowladda Federaalka ah. Balse dadka Muqdisho waxay wali ka walaacsan yihiin xudgudubyo joogto ah oo isugu jira: qaraxyo, dilal qorsheysan iyo dhac ay kooxo hubeysan mararka qaarkood gaystaan. Waxay kaloo dadku saluugsan yihiin kartida. karaanka iyo isku xirka hey’adaha amniga. Hey’adaha garsoorka ayaa loo arkaa kuwa itaal daran oo uu musuqmaasuq ragaadiyey. Taas ayaa markaas ku khasabtay in dad badani ay miciin bidaan odayaasha dhaqanka, si ay u xalliyaan arrimaha qaar

Annagoo isticmaaleyna xogta ay OCVP uruurisay ayaan haddaba diyaarinnay qoraalkan kooban [Soo rogo warbixinta oo dhan] ee talooyinkana wata.