Preventing Chaos in Mogadishu: Why Dialogue Must Replace Force

The ongoing evictions in Mogadishu, accompanied by police brutality amid political tensions caused by unilateral constitutional amendments and a standoff over the election model, have exacerbated unrest in the capital and across Somalia. This commentary examines the forced evictions, controversial land sales, disputed electoral process, and the government’s heavy-handed approach toward dissent, showing how these actions risk escalating tensions and opening the door to instability.

It calls for restraint, dialogue, and consensus-based solutions, arguing that only through genuine engagement and transparency can Somalia avoid sliding into chaos, preserve security gains, and safeguard its democratic project.

Preventing Chaos in Mogadishu: Why Dialogue Must Replace Force

Inkasta oo ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ka dhashay waxkabeddelka dastuurka ee ku dhisan go’aannada halka dhinac ah iyo isqabqabsiga la xidhiidha nidaamka doorashooyinka, waxa qalalaasaha ka jira caasimadda iyo guud ahaan Soomaaliyaba uga sii daray barakacinta joogtada ah ee ka socota Muqdisho, taas oo ay ku lammaan yihiin falal arxandarro oo ay ku kacaan booliska Soomaaliya. Sidaas darteed, faalladayadani waxa ay milicsanaysaa barakicinta khasabka ah, iibinta dhulalka muranka dhaliyay, hannaanka doorashada ee lagu muransan yahay iyo falcelinta qallafsan ee ay dowladdu ka bixiso falalka mucaaradka iyo shacabka, kuwaas oo dhammaantood muujinaya in ay khatar weyn ku yihiin sii hurinta xiisadaha iyo furidda albaabada xasillooni darrada.

Faalladani waxa ay ku baaqaysaa isxakameynta dhinacyada, wadaxaajood waaqici ah, iyo xal wadar-ogol ah, waxaanay qabtaa in wadar-ogol dhab ah iyo daahfurnaantu yihiin jidka keliya ee ay Soomaaliya kaga baaqsan karto qalalaasaha taagan, islamarkaana ku ilaashan karto guulaheeda amni, kuna adkeyn karto dimoqraadiyada Soomaaliya ee nugul.

Ka Hortagga Qalalaasaha Muqdisho: Ismuquuninta waa in Wadahal lagu Beddelo