
Rule of Law and Independent Judiciary in Somalia
Somalia has a rich cultural heritage rooted in oratory and a profound respect for justice and fairness. Terms like xaq (justice) and dulmi or xaq darro (injustice) reflect the society’s deep commitment to these principles. However, despite this cultural and religious dedication, achieving the rule of law remains a challenge. Decades of fragility and a focus on stabilizing and reconstituting the fractured state over delivering justice have significantly hindered progress.
This report highlights the urgent need to bridge the gap between Somalia’s ideals and its justice deficit by building institutions that genuinely uphold the rule of law. It emphasizes creating an independent judiciary, increasing community awareness, and reinforcing democratic principles to foster a just society. By harnessing Somalia’s cultural commitment to justice, the report advocates for the development of strong legal frameworks and institutions, paving the way for a transformative legal renaissance in the country.
Rule of Law and Independent Judiciary in Somalia
Soomaaliya waxa ay leedahay hiddo-dhaqameed hodan ah oo ay udub-dhexaad u yihiin aftahannimo iyo raadinta caddaaladda iyo sinnaanta. Erayada ay ka midka yihiin xaq iyo xaqdarro ayaa ka turjumaya sida qotada-dheer ee ay bulshada Soomaaliyeed u cisayso caddaaladda iyo sinnaanta. Inkasta oo ay dhaqanka iyo diintuba dhiirrigaliyaan caddaaladda, sinnaanta, iyo dhexdhexaadnimada, haddana weli way adagtahay in lagu tallaabsado ku dhaqanka sharciga. Iyada oo nidaam iyo hay’ado sharci oo wax ku ool ahi ay lafdhabar u yihiin dhidibba u aasidda ku dhaqanka sharciga, haddana tobannaan sano oo ay Soomaaliya la daalaa dhacaysay nugayl iyo soo kabasho ay diiradda ku saarayso xasillinta iyo dibuhabeynta hay’adihii burburay ee dowladda ayaa si xun u ragadiyey dadaallada loogu jiro hirgelinta caddaaladda.
Si la isku waafajiyo goldaloolooyinka ka dhex jira aragtiyaha Soomaalidu ka haysato dhexdhexaadnimada iyo gaabiska kaga jira dhanka caddaaladda, waxa lama huraan ah dhisidda hay’ado ay ka go’an tahay gacansiinta sarreeynta sharcigu. Tallaabooyinkaa waxaa ka mid ah dhismaha garsoor madaxbannaan, kor u qaadista wacyiga bulshada iyo xoojinta mabaadi’da dimuqraaddiyadda si loo abuuro dhaqan bulsheed caddaalad ku dhisan.
KU DHAQANKA SHARCIGA IYO MADAXBANNAANIDA GARSOORKA SOOMAALIYA