SOMALIA: LAND GOVERNANCE REVIEW

Land governance in Somalia has been marred by decades of conflict, instability, and state incapacity since the collapse of the state in 1991 and the destruction of both judicial and governance authority. The violent capture of land and other critical resources has been integrated into the political economy of warfare. Today, land remains a central point of contention in Somalia’s fragmented political landscape and continues as a significant driver of contemporary conflict. Somalia’s land governance architecture is a patchwork of unclear and overlapping authorities, overlapping claims to land use, large-scale land grabbing, and unclear land tenure. Understanding contemporary systems of governance is therefore foundational for the country, influencing prospects for statebuilding, peacebuilding, and everyday livelihoods. This report aims to provide an overview of the current state of land governance in Somalia, examining the historical context, hybrid legal framework, and current practices around land ownership, access, and control.

Download the full report here.

Maamulka dhulka Soomaaliya, waxa uu muddo tobannaan sano ah la cakirnaa khilaafyo,xasilooni darro iyo tamar la’aan dowladeed. Tan iyo markii ay duntay dowladdii Soomaaliya 1991, waxa burburay nidaamkii garsoorka iyo maamulkii dowladda, waxaana bilaabmay rabshado la xidhiidha dhul boob iyo khayraadyo kale oo muhiim ah, kuwaas salka ku haya dagaallo dhaqaale oo siyaasadaysan. Maanta, xiisadaha dhulku waxa ay xuddun u yihiin dildillaaca hadheeyay seeska siyaasadda Soomaaliya, waxaanay weli saamayn weyn ku leeyihiin hurinta khilaafaadka casriga ah. Qaabdhismeedka maammulka dhulka Soomaaliya, waxa lagu qeexi karaa mid aan caddayn oo isku qasan, kaas oo ay isku murugsan tahay masuuliyadaha maammulkiisu, isna dabrayaan sheegashada lahaanshiisu, sida oo kale na la iska qabsanayo dhul ballaadhan, iyo in lahaanshaha dhulka madmadow badani ku jiro. Sidaa darteed, waxa dalka aasaaskiisa muhiim u ah in la fahmo nidaamka casriga ah ee maamulka dhulka, maadaama oo uu saamayn ku leeyahay hindisayaasha qaran-dhiska,nabadaynta, iyo nolosha maalin laha ah ee bulshada Soomaaliyeed. Warbixintan, waxa looga golleeyahay in ay aragti guud ka bixiso xaaladda maamulka dhulka Soomaaliya, iyada oo qiimaynaysa taariikhda deegaanka, qaabdhismeedka sharciga isku dhafan, iyo dhaqanka lahaanshah, helitaanka iyo ilaalinta dhulka ee hadda jira.

Halkaan kasoo rogo daraasadda oo dhamaystiran