Somalia’s Mandate in the UN Security Council
This report provides a comprehensive assessment of Somalia’s performance during its current non-permanent term on the United Nations Security Council. It examines how Somalia navigates the demands of global diplomacy while undergoing a complex process of state reconstruction at home.
At the center of the analysis is the “sovereign paradox”—the challenge of projecting authority on the world’s most influential diplomatic platform while core state institutions remain under development. The report evaluates Somalia’s institutional capacity, diplomatic engagement, and strategic positioning within the Council.
It also explores how the Security Council serves as a critical procedural platform for defending Somalia’s sovereignty amid evolving regional and international pressures. Drawing on policy analysis and institutional insights, the report identifies key gaps and offers practical recommendations to strengthen Somalia’s diplomatic effectiveness and long-term state-building efforts.
A Policy Report Somalia’s Mandate in the UN Security Council
Qiimayntani waxa ay lafaguraysaa kal-guddoonka aan joogtada ahayn ee ay Soomaaliya ku noqotay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaramada Midoobay ee 2025-2026. Kursigani waa astaan sharafeed iyo halbeeg siyaasadeed oo istaraatiiji ah: waa fagaare ay Soomaaliya si rasmi ah ugu difaacan karto madaxbannaanideeda qaran, maadaama oo ay wajahayso cadaadisyo diblimaasiyadeed oo ugub ah—gaar ahaan aqoonsiga Israa’iil ee maamulka goonni-goosadka ah iyo dadaallada Itoobiya ku raadinayso in ay hesho marin-badeed. Sidaas darteed Soomaaliya waxa ay wajahaysaa hubanti la’aan madaxbanaaniyeed: waa in ay awooddeeda dowladnimo ka muujisaa masraxa diblomaasiyadeed ee muhiimadda weyn u leh Qaramada Midoobay, iyada oo ay haayadaheeda lafdhabarta u ah dowladdu weli dibudhis ku jiraan.
Soomaaliya waxa ay ku guulaysatay in ay joogitaan muuqda oo lagu kalsoonaan karo ku yeelato Golaha Amniga Qaramada Midoobay, taas oo xaqiijinaysa soo laabashadeeda siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, waxa guushan wiiqay itaal-darrada qaabdhismeedka haayadaha dowladda. Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay ku shaqaysaa habab kumeelgaadh ah iyo magacaabisyo siyaasadaysan, taas oo caqab ku keentay iskudubbaridka xidhiidhka u dhexeeya iyada iyo Xafiiska Joogtada ah ee New York. Inkasta oo ay dadaalaan shaqaalaha kooban ee xafiiskan yar joogaa haddana ma laha awooddii xirfadeed ee looga baahnaa goobtan oo kale (tusaale ahaan, takhasusaadkii sharciga caalamiga ah, nidaamyada iyo habraacyada cunaqabataynta, sharciga badda, iyo falanqaynta dhaqaalaha/sharciga) sidaas darteed shaqadoodu inta badan waxa ay u dhacdaa qaab falcelineed oo aan istaraatiijig ahayn oo laab la kac iyo qorshe la’aan ku dhisan. Natiijada: Ilaalinta madaxbannaanida ayaa ah mawduuca qeexaya qodobkan, laakiin weli Soomaaliya joogitaankeeda New York umaysan beddelin mid diblimaasiyadeed oo istiraatiiji ah.
Kal-guddoonka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay