The Cost of Political Brinkmanship:Somalia’s Need for Dialogue, Accountability and Stabilization

This commentary argues that Somalia’s political trajectory has become increasingly fragile as unresolved constitutional disputes, political polarization, and unilateral political actions continue to undermine the country’s state-building project.

The violence in Mogadishu on 3 June underscored the dangers of winner-takes-all politics and highlighted the urgent need for dialogue, compromise, and national consensus. The commentary warns that continued political brinkmanship risks further instability, institutional erosion, and a deeper crisis of legitimacy.

To prevent a broader political crisis, the analysis calls for an inclusive national dialogue that extends beyond political elites and incorporates the voices of religious leaders, traditional elders, civil society, and the business community. Ultimately, Somalia’s future will depend on whether its leaders can rise above factional interests and forge a renewed political consensus grounded in dialogue and collective responsibility.

The Cost of Political Brinkmanship: Somalia’s Need for Dialogue, Accountability and Stabilization

Muddo ka badan sannad iyo badh, Machadka Heritage ee Deraasaadka Siyaasadda (HIPS) waxa uu ka digayay, jihada ay siyaasadda Soomaaliya u socoto oo uu kusii siqaysa nuglaan, qabsanaan, iyo fashil. Qoraalo is daba joog ah oo uu Machadku muddadaas daabacay, kuwaas oo ay ka mid yihiin, 18 Bilood Waa Lagu Toosinkaraa Tubta Siyaasadda Soomaaliya; Gorfeynta Go’aanka Golaha Wadatashiga Qaranka; Guricas ilaa Guryasamo Dawladeed; Ka Hortagga Qalalaasaha Muqdisho: Ismuquuninta waa in Wadahal lagu Beddelo; iyo Waqtiga Oo Xaddidan Awgiis, IsAfgarad Doorasho oo Dowlada & Mucaaradku Waa U Lama Huraan Xasilloonida Dalka, ayaa dhammaantood ku soo ururayay hal arrin. Taasi oo ah in khilaafaadka dastuuriga ah ee aan weli xalka loo helin, go’aannada siyaasadeed ee aan loo dhameyn ee badi halka dhinac ah, kalsooni darrada sii kordhaysa ee u dhexeysa daneeyayaasha siyaasadda, iyo maqnaanshaha wada-tashi dhab ahi ay dalka ku riixayaan qalalaase dhismaha dowladnnimada ku yimaadda. Intaas oo dhan, Machadku waxa uu si joogto ah carrabka ugu adkaynayay fartana ugu fiiqayey khataraha ka dhalan kara haddii aan arrimahaas wax laga qaban.

Miraha Isbiimaynta Siyaasadeed Baahida Soomaaliya u qabto wadaxaajood Isla Xisaabtan iyo Xasillooni Siyaasadeed