The Formation of Hirshabelle State Challenges and Opportunities
Hirshabelle was created in 2016 to advance Somalia’s federal project. Our latest research shows how rushed, top-down state formation, elite bargains, and unresolved clan grievances instead produced a fragile and contested member state. Hiiraan’s historical claims, the capital dispute between Beledweyne and Jowhar, and repeated breaches of informal power-sharing deals have fed parallel administrations, weakened institutions, and opened space for al-Shabaab and clan militias to fill the security and justice vacuum.
The report argues that stabilising Hirshabelle requires more than technical fixes. It calls for a reset of the federal bargain through constitutional and governance reform, inclusive multi-stakeholder dialogue on power-sharing and the state capital, community-driven reconciliation, and an integrated security framework that brings Macawisley, SNA, ATMIS and local police under a coherent strategy.
Hirshabelle is a test case for Somalia’s wider federal experiment. Getting it right will be key to building legitimate, accountable and resilient Federal Member States across the country. Read the full report to explore the risks, but also the opportunities, for a more inclusive and stable Hirshabelle.
The Formation of Hirshabelle State Challenges and Opportunities
Dhismaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, oo la aasaasay sannadkii 2016, kadib mideyntii gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxa uu ahaa tallaabo muhiim ah oo ku saabsan hirgelinta nidaamka federaalka Soomaaliya, balse isla mar ahaantaana dhaliyay muran siyaasadeed oo qotodheer. Habkii loo maray dhismaha Dawladda federaalka Soomaaliya (DFS) hormuud u ahayd, si loo buuxiyo shuruudaha dastuuriga ah, loona fududeeyo qabsoomidda doorashooyinka ayaa si weyn loogu dhaliilay in degdeg uu ku jirey nidaamka, sidoo kale sinnaan la’aan iyo wadatashi la’aanna ay jirtay, taas oo sii xoojisay tabashooyin horey u jiray oo u dhexeeyay daneeyeyaasha muhiimka ah ee Hirshabeelle. Tabashooyinkan, oo salka ku haya saami-qaybsiga qabiillada, matalaad la’aan, iyo aragtiyo la xiriira in reeraha qaar laga takooray siyaasadda. Dhammaan arrimahani waxa ay si toos ah u wiiqeen sharciyadda iyo waxqabadka dowlad goboleedka.
Dhinaca bulshada iyo siyaasadda, beelaha sida Xawaadle iyo Abgaal ayaa door muuqda ku leh qaab dhismeedka awoodda, halka beelaha kale ay dareemayaan in la baal maray. Isku dheelitir la’aantan, oo ay weheliso muranno ku saabsan hannaanka isku xirnaanta beelaha, ayaa sii xoojisay kala furfurka Hirshabeelle bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba. Tani waxa ay si toos ah ugu milantay xaaladda amni ee DG, taas oo ay saameyn ku leeyihiin jilayaal kala duwan sida Al-Shabaab, maleeshiyaad beeleed, gaar ahaan Macawiisley, Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, iyo ciidamada Midowga Afrika. Inkasta oo Macawisleydu ay door muhiim ah ka qaateen la dagaallanka Al-Shabaab, haddana kooxdaasi waxa ay weli ka faa’iidaysanaysaa daldaloollada dawladnimo iyo kala qaybsanaanta beelaha si ay u sii joogteyso saameynteeda taban
Dhismaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Caqabadaha iyo Fursadaha