The Role of Women in Reconciliation and Peacebuilding in Galmudug: Identifying and Addressing the Challenges
This study examines the participation of women and young people in peacebuilding, reconciliation, conflict prevention, and governance in Somalia, while also assessing the financial, political, social, and cultural barriers that limit their involvement in state-building processes. Using a participatory action research approach conducted between October 2023 and August 2024, the study combined focus group discussions held on 5 February 2024 with in-depth interviews from Galmudug women representing civil society groups. The primary data was complemented by a comprehensive literature review, ensuring a robust foundation for the analysis.
Findings reveal that women’s effective participation in Somalia’s formal political systems is hindered by entrenched cultural beliefs, a clan-based political order, and weak legislative frameworks. Despite these barriers, the study argues that increasing women’s role in decision-making is not only a matter of justice but also a critical security imperative for Galmudug and Somalia at large. The paper concludes with policy-oriented recommendations for decision-makers, practitioners, and scholars, suggesting strategies to design more inclusive and gender-sensitive reconciliation, conflict resolution, and state-building processes that can strengthen peace and stability in fragile and conflict-affected contexts.
The Role of Women in Reconciliation and Peacebuilding in Galmudug
Cilmibaaristani waxa ay ku saabsantahay doorka ay haweenka iyo dhallinyaradu ku leeyihiin kaqaybgalka nabadaynta, dibuheshiisiinta, ka hortagga colaadaha iyo dowladnimada, kuwaas oo ay weheliyaan dhaqaalaha, siyaasadda iyo caadooyinka bulshada oo xaddidaya in ay kaqaybgalaan hannaanka dowlad-dhiska. Xog ururinta daraasaddan oo socotay intii u dhexeysay Aktoober 2023 illaa Ogoosto 2024, ayaa adeegsaneysa habraac cilmibaadhiseed oo ku dhisan wadashaqayn iyo isdhexgal u dhexeeya cilmibaadhayaasha iyo kaqaybgalayaasha daraasaddan (participatory action research) iyo sida oo kale dood-kooxeedyo la qabtay 5 Feebaraayo 2024, ayaa dood-kooxeedyo loo qabtay kooxo kala duwan oo haween ah. Haweenkan oo ka tirsanaa bulshada rayidka ah ee Galmudug oo aannu si fool-ka-fool ah u waraysannay ayaa lagu sii xoojiyay xogihii aannu ka hellay milicsiga dhigaalladii ku saabsanaa mawduuca.
Daraasaddu waxa ay iftiiminaysaa caqabadaha ugu waaweyn ee curyaamiyay in ay haweenku door firfircoon ku yeeshaan nidaamyada siyaasadda Soomaaliya ee rasmiga ah: aragtiyaha dhaqanka, nidaamka siyaasadeed ee qabyaaladda ku dhisan iyo shuruucda daciifka ah. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay daraasaddu ogaatay in kor u qaadista kaqaybgalka haweenka ee la xidhiidha arrimaha go’aan-gaadhistu aanay qusaynin caddaaladda oo kaliya, balse amnigu kow ka yahay xaaladda Galmudug iyo guud ahaanba tan Soomaaliya. Warqaddani waxa ay soo jeedinaysaa talabixino ka caawinaya in siyaasaddajiyeyaasha, nabadeeyayaasha, iyo aqoonyahanku gobollada nugul ee ay khilaafaadku hareeyeen ka hirgaliyaan nabadayn aan jinsiga kala gudbin, iyo sida oo kale fikrado ka caawinaya in ay qaabeeyaan hannaanno dubuheshiisiineed, kuwo khilaaf xallineed iyo kuwo nabadayneed oo si weyn loogu dhan yahay, kuna habboon Galmudug iyo deegaannada ka baxsan.