The U.S. Recognition of Somalia

The U.S. recognition of the Somali government on 17 January 2013 is a great and timely opportunity that could contribute to Somalia’s effort to retake its rightful place among community of nations. In the two decades Somalia took hiatus from the international scene, many opportunities that could have helped Somalia shed the ‘failed state’ designation appeared and vanished with the same speed. More broadly, Somalis need to properly understand what, exactly, the U.S. recognition entails, what opportunities it avails as well as what challenges are embedded with it. In doing so, they must be guided by the cardinal truth of international relations; that foreign policy decisions are always made to advance national interests.

Download the full Policy Briefing (PDF, 111KB)


Aqoonsiga ay dowladda Maraykanku siisay xukuumadda Soomaaliya 17-kii January 2013 waa fursad weyn oo ku soo beegantay xilli ku habboon Soomaaliyana gacan ka siin karta in ay saaxadda caalamka ku soo noqoto, buuxisana kaalinteedii. Labaatankii sano ee ay firaaqaysay fagaarayaasha caalamiga ah, Soomaaliya waxaa soo maray fursado badan oo deg degtii ay ku yimaadeeen si le’eg ku hirgeli waayey, kuwaas oo haddii laga faa’iideysan lahaa, Soomaaliya ku kaalmayn karay in ay iska tirto shaabadda ah in tahay waddan fashilmay. Si guud, waxay Soomaalidu u baahan yihiin in ay si sax ah u fahmaan waxa uu xambaarsan yahay
aqoonsiga Maraykanku, fursadaha ka dhalan kara iyo culaysyada la
socda ama ku daaban. Marka ay arrintaasi guda galayaanna, waa in ay maanka ku hayaan xaqiiqada lama dhaafaanka ah ee xadaysa xiriirka caalamiga ah, kaas oo ah in dowladuhu markii ay go’aan qaadanayaan ay u qaataan oo kaliya in ay gaaraan danaha qarankooda.

Soo rogo warbixinta oo dhan (PDF, 111KB)